Daawo Sawirada 'Gaari Nuuciisa aan Horey loo arag Rasaasta iyo Miinadana aysan karin laguna noolaan karo oo la keenay




Shirkada Farsamaysa gaadiidka ee Toyota oo ah shirkada ugu wayn dalka Japan, kana mid ah kuwa loogu iibsiga badan yahay gaadiidka ay sameeyaan ayaa shalayu oo sabti aheed soo bandhigtay gaadhi cusub oo kuwa raaxada ah isla markaana difaaciisu u dhamays tiran yahay.


Gaadhigan oo Shirkadu ugu magac dartay (SUV), waa gaadhi gaashaaman oo anay karayn xabada, garnaylada iyo miinooyinka dhulka lagu aaso sida ay sheegeen injineerada shirkada Toyota, sidoo kale gaadhigan ayaa leh qayb qofka ama dadka saaran haddii ay dhibaato soo waajahdo ay ku noolaan karaan ilaa inta looga soo gurmanayo.


Sida lagu cadeeyay bayaan ay shirkada Toyota soo saartay waxa uu gaadhigani leeyahay talaagad wax kasta oo daruuri ah qofku ku ridan karo, waxa kale oo uu leeyahay kuraas sida sariirta oo kale isku badalaya, shaashad uu kala socon karo dunida iyo qalabyo kale oo ay ku jiraan Tablet-yo uu ka isticmaali karo internet-ka.

Waxa kale oo uu gaadhigani leeyahay qaybo ku xidhan satellite-ka oo lagula socon karo meesha uu ku sugan yahay, looguna gurman karo haddii cilad ama dhibaato amaba weerar haleelo cid kasta oo wadata, qiimaha gaadhigan ayaa lagu sheegay inuu dhan yahay oo la siinayo boqol kun oo giniga Istar liinka ah.


Facebook Blogger Plugin by Bulsha.com | Get Widget